Home Djubuti Daawo Sawirada:-Xog-hayaha Difaaca Mareykanka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Senator Ayuub Ismaaciil…

Daawo Sawirada:-Xog-hayaha Difaaca Mareykanka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Senator Ayuub Ismaaciil…

295
0
SHARE

Washinton D-C (Badarnews)- Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf  oo Ka Mid ah Baarlamaanka Soomaaliya  Oo Booqasho Maalmahaan Ku Joogay  Dalka Mareykanka Ayaa Maanta Booqday  Xarunta weyn ee Difaaca Mareykanka ee Loo Yaqaan Pentagon-ka.

Waxaana  Xarunta Pentagon-ka Ku soo dhaweeyey Senatorka, Xoghayaha Difaaca ee Afrika U Qaabilsan Dowladda Mareykanka.

“Waxaan  Maanta  tagay  Xarunta difaaca Marekanka ee loo yaqaan Pentagon. Waxaa igu soodhaweeyey xubno sar-sare oo uu kamid yahay Xog-hayaha Difaaca Ee Afrika u qaabilsan Marekanka”.

Senator Ayuub oo hadal yar ka jeediyey ayaa Ugu Horeyn Uga Mahadeliyey Dowladda Mareykanka Sida wanaagsan ee Loogu Casuumay Xarunta Difaaca ee La Yiraahdo Pentagon-ka ,  Isagoo Ku Amaanay Waaxda Difaaca Dalka Mareykanka Kaalinta Muuqata ee Had iyo Goor Ka Qaataan Si aan amni ahaan Uga Gaari laheyn Isku  Filnaansho Buuxda.

“Waxaan ugu horeyn ugu mahadceliyey kullankaan, sidoo kale waxaan ku amaanay kaalinta muuqata oo ay had iyo goor ka qaataan sidaan u gaari laheyn isku filnaasho Amni.”

Xoghayaha difaaca ee Afrika oo Dhankiisa Hadal jeediyey ayaa  sheegay in Soomaaliya ay  tahay Wadan Xasiloonidiisa iyo Hormarkiisa ay jecel-yihiin, taasina ay cadeyn u tahay iney wakhti iyo hantiba galiyeen Sidey u hagaagi laheyd Soomaaliya.

Gaba-gabadii Kulanka Ka dib ayaa  Senatorka waxaa uu  gudoonsiiyey Hadiyad ka turjumeysa Hidaha iyo Dhaqanka Wadankeenna, iyo Xiriirka  Saaxiibtinimo ee Innaga dhexeeya. Mahadsanidiin :-

Senator :-Ayub Ismail Yusuf:-

Xafiiska Wararka Badarnews.com:-

Washinton D-C ——U S A:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here